1: Saturday, September 14, 2013 - 17:49:14
2: 1,092 Jeer.

Eng Axmed Moalim Fiqi:- Muqtaar robow Seddex arrin ayaa u furan inuu ku dhaqaaqo. (Akhriso Seddexda Arrimood)

Waxaa Qoray:

rtgtryry

Axmed Macalin Fiqi oo ahaa agaasimihii hore ee Hay’ada Nabad sugida Dowladii KMG ahayd ayaa ka hadlay dilkii dhawaan loo gaystay labada sarkaal ee ajaanibta ah Abuu Mansuur Al-amriiki iyo Usama Al-britain kuwaasoo ay qaarajiyeen xoogagga Alshabaab xili ay ka bar bar dagaalami jireen.

Inj.Fiqi wuxuu sheegay in dilkaasi cadeyn u yahay in cid kasta oo ka soo horjeesata Amiirka u sareeya Alshabaab in shabaabku dilayaan isagoo dhanka kalana soo hadal qaaday Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo khilaaf kala dhaxeeyo amiirka u sareeya Alshabaab.

Inj.Axmed Macalin Fiqi wuxuu xusay in Sh.Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur uu halis ugu jiro in la dilo mar hadii isna uu ka mid yahay raga ay isku dhacsan yihiin Amiirka Alshabaab Abuu Zubeer.

“Abuu Mansuur Roobow iyo ragga kale ee soomaalida ah hadii ay ku sii adkeystan inay ka soo horjeedaan Amiirkooda waxay qatar ugu jiraan in la dilo iyagana”ayuu yiri Axmed Macalin Fiqi

Dhanka kale mas’uulkaani hore ee dowlada ugu sareeyay dhanka nabad sugida wuxuu tilmaamay in Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur iyo raga kale ay u furatn tahay sedex wado oo kaliya,waa mida koowaade in la dilo,inay raacaan awaamiirta amiirkooda iyo inay Dowladaku soo biiraan.

Dhanka Dowlada ayuu ugu baaqay madaxda sar sare inay cafis u fidiyaan raga baxsadka ka ah alshabaab sida uu sheegay Fiqi taasoo dolwadana jaanis u ah.

Xigasho radiomaanta

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed
















Log in | Designed by Jimcale